Man City Oo Diyaarinaysa Dalab Ay Ka Gudbinayso Xiddig Premier League.

Manchester City ayaa diyaar u ah inay soo gudbiso dalab bishan Janary ah oo ku aaddan Marc Guéhi. Wadahadallo ayaa maalmahan u dambeeyay dhex maray Manchester City iyo Crystal Palace.

Manchester City waxay rajaynayaan in qiimaha ay Crystal Palace ku dalbanayso Marc Guéhi ee ka badan £35 milyan uu hoos u dhaco marka uu suuqa kala iibsigu sii socdo.

Inkasta oo Palace ay diyaar u tahay inay iibiso haddii shuruudaha saxda ah la helo, haddana qiimaha sare waxaa sababay baahida ay u qabaan inay ku helaan beddel ku habboon.

Guéhi wuxuu noqonayaa ciyaaryahan xor ah xagaagan, wuxuuna mar walba ku qanacsanaa inuu dhammaysto xilli-ciyaareedka ka hor inta uusan dooran naadigiisa xiga.

Sidaas darteed, Manchester City waxay u baahan doontaa inay ku qanciso faa’iidada uu ka heli karo bixitaanka bartamaha xilli-ciyaareedka—labadaba dhanka ciyaaraha iyo kan maaliyadeed.

Liverpool iyo Arsenal ayaa si weyn u danaynaya inay la wareegaan xagaaga. Atlético Madrid, Real Madrid, Bayern Munich iyo Inter Milan ayaa ka mid ah naadiyada kale ee wax ka weydiiyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga