Guardiola Oo Hoos U Dhigay Ku Guulaysiga Koobab

Tababaraha Isbaanishka ah ee Manchester City, Pep Guardiola, ayaa hoos u dhigay muhiimada hadalka ku saabsan ku guuleysiga koobab, isagoo caddeeyay in diiraddiisa ugu weyn ay tahay horumarka iyo bislaanshaha kooxda. Hadalkan ayuu jeediyay ka hor kulanka Newcastle United ee lugta hore ee semi-finalka Koobka League-ga Ingiriiska, kaas oo lagu ciyaari doono garoonka martida fiidnimada Talaadada.

Manchester City ayaa xilli-ciyaareedkii hore ku dhammeystay iyagoo aan wax koob ah qaadin, markii ugu horreysay muddo 8 sano ah, kadib bandhig aan degganayn oo ay sameeyeen inta lagu jiray xilli-ciyaareedka.

Intii lagu guda jiray shir jaraa’idka kulanka, markii wax laga weydiiyay inuu dareemayo cadaadis dheeraad ah maadaama ay xilli-ciyaareedkii hore koob la’aan ku baxeen, Guardiola wuxuu yiri:
“Arrintu ma ahan inaad koobab ku guuleysato ama aadan ku guuleysan, balse waxay ku saabsan tahay bislaanshaha kooxda iyo sida ay u noqoneyso mid ka sii wanaagsan.”

Wuxuu intaas ku daray:
“Xilli-ciyaareedkii hore, uma qalmin inaan ku guuleysano wax ka badan hal koob, sababtoo ah si fiican uma ciyaarin. Mararka qaar waxaad ku guuleysan kartaa koob adigoon soo bandhigin ciyaar wanaagsan, gaar ahaan wareegyada bug-bixinta marka nasiibku kula jiro.”

Tababaraha City ayaa sii raaciyay:
“Arrintu taas kuma koobna, i rumaysta, waxaan halkan u joognaa inaan horumarino waxqabadka kooxda, qanacsanaantayaduna waxay ku jirtaa inaan soo bandhigno heer ciyaareed wanaagsan annaga iyo taageerayaasheenna.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga