Tababaraha Barcelona: Waxa Aan U Ciyaarnay Sidii Aan Doonaynay Kulankii Final-ka.

Kadib markii Barcelona ay ku guuleysatay Koobka Super Cup-ka Spain 2026 iyagoo ka adkaaday Real Madrid final xiiso leh, tababaraha Jarmalka ah Hans Flick ayaa muujiyay farxad weyn oo ku aaddan waxqabadka ciyaartoydiisa iyo qaabka ciyaareed ee ay kooxdu soo bandhigtay intii uu socday kulanka, isagoo carrabka ku adkeeyay in guusha ay ka dhalatay wada-jir iyo ruux dagaal oo ay muujiyeen ciyaartoyda reer Catalonia.

Flick ayaa yiri:

“Waa wax aad u fiican, waxay ahayd final muhiim ah, la ciyaarista Real Madrid mar walba waa wax gaar ah. Aad ayaan ugu faanayaa ciyaartoyda, waxaan u ciyaarnay sida aan rabnay.”

Wuxuu intaas ku daray:

“Ma aanan joogin qolka labiska, hadda way dabaaldegayaan, waxaanan arkay iyaga oo qoob-ka-ciyaaraya. Aad ayaan ugu faanayaa, si aad u wanaagsan ayaan u ciyaarnay, kubadda iyo socodka ciyaarta ayaan xakameynay, ugu dambeyntiina kooxda oo dhan waxay u ciyaartay sida aan jecelnahay. Ma ahayn mid sahlan, balse waxaan u dagaallannay sidii koox, taasina waa wax cajiib ah.”

Flick ayaa sidoo kale ka hadlay doorka ay qaar ka mid ah ciyaartoydu ku leeyihiin kooxda, isagoo si gaar ah u xusay Raphinha:

“Maskaxdiisu waa mid cajiib ah, sidoo kale waxaan leenahay ciyaartoy kale oo sidan oo kale ah, taasina waxay saameyn ku yeelataa kooxda oo dhan. Wuxuu seegay fursaddii ugu horreysay balse wuu ka faa’iideystay tan labaad, taasina kalsooni ayay na siisay. Cadaadis weyn ayaan wajahnnay sida aad aragteen.”

Isagoo ka hadlayay Eric Garcia ayuu yiri:

“Wuxuu helay fursado badan, horumar weynna wuu sameeyay. Waan qaddariyaa, wuxuuna ka ciyaari karaa dhowr boos. Wuxuu leeyahay maskax wanaagsan, wuxuuna noqon karaa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha mustaqbalka.”

Flick ayaa sidoo kale ka hadlay diyaar-garowgii ka hor ciyaarta iyo saameynta guushan ay ku yeelatay kooxda, isagoo yiri:

“Ugu yaraan in gool la dhaliyo—koox ahaan, ma aha aniga oo tababare ah—qaabka ciyaartooda iyo waxa ay u soo bandhigaan taageerayaasha waa mid lagu kalsoonaan karo. Kama fikiro kulamadii hore, final-kani aad buu muhiim u ahaa, sababtoo ah la ciyaarista Real Madrid waa wax gaar ah.”

Wuxuu sii raaciyay:

“Xaaladdu way ka duwan tahay xilli ciyaareedkii hore. Waxaan bilownay goor dambe, balse hadda waxaan gaaraynaa guulo oo si wada-jir ah ayaan u shaqeyneynaa. Dareenkaygu waa mid aad u wanaagsan, kulankani wuxuu ahaa mid aad muhiim u ah, sidoo kalena waxaan sameynay isbeddello siiyay kooxda tamar dheeri ah.”

Ugu dambeyn, isagoo ka hadlayay Araujo, wuxuu yiri:

“Waxaan u maleynayaa in ay aad muhiim u tahay xaaladdan in uu ciyaaro oo uu ku guuleysto horyaalka. Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan arko isagoo soo laabtay, tani aad bay muhiim ugu tahay qolka labiska.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga