DEG-DEG: Liverpool Oo Xaqiijisay Xiddig Kooxda Ka Maqnaan Doona Inta Ka Dhiman Xilli Ciyaareedka Sabab La Xidhiidha Dhaawac.

Masiibada dhaawaca Liverpool ayaa maraysa meel adag iyada oo xiddig kale dhaawac halis ah soo gaadhay.

Xiddiga daafaca Midig ka ciyaara ee Conor Bradley ayaa la xaqiijiyay in uu dhaawac halis ah soo gaadhay kulankii Arsenal.

Kooxda Liverpool ayaa xaqiijisay in Conor Bradley garoomada ka maqnaan doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Xiddiga Conor Bradley ayaa mari doona qaliin jilibka ah kadib dhaawacii soo gaadhay kulankii Arsenal.

Conor Bradley ayaa noqday xiddigii 3-aad oo Liverpool ah oo la xaqiijiyay in uu ka maqnaan doono inta ka dhiman xilli ciyaareedka sabab la xidhiidha dhaawac.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga