Xiddiga kooxda Liverpool iyo xulka Qaranka Masar, Mohamed Salah, ayaa aaminsan in “Faraaciinta” aysan ahayn musharraxiinta ugu cadcad ee ku guuleysan kara Koobka Qaramada Afrika 2025.
Xulka Masar ayaa u soo baxay wareegga afar-dhamaadka tartanka kaddib markii ay fiidnimadii Sabtida ku garaaceen Ivory Coast ciyaarta rubuc-dhamaadka natiijo 3–2 ah.
Mohamed Salah o la hadlayay kanaalka “beIN Sports” ayaa yiri:
“Ma oran karo annagu waxaan nahay musharraxiinta ku guuleysan kara koobka”
S”addexda xul ee kale waxay leeyihiin ciyaartoy ka ciyaara Yurub, halka annaga ciyaartoydeenna badankood ay yihiin kuwa gudaha ka ciyaara”,
“Tani ma aha dhaleeceyn, balse waan dadaali doonnaa intii karaankeenna ah si aan koobka ugu hananno dalkeenna.”
Be the first to comment