Jose Mourinho Oo Ka Fal Celiyay Shaqo Ka Caydhintii Man United Ee Ruben Amorim

Tababaraha Benfica, Jose Mourinho, ayaa ka hadlay go’aanka Manchester United ay xilka kaga qaadday Ruben Amorim.

Mourinho wuxuu aaminsan yahay inuusan si buuxda u falanqayn karin xaaladda, maadaama Amorim kaliya uu sharxi karo sababta ay Red Devils u eryeen.

Kooxda Premier League-ga ayaa shaqada ka cayrisay tababaraha 40-jirkan Isniintii, waxayna hadda raadinayaan tababare ku-meel-gaar ah.

Mourinho, oo hore u soo tababaray Manchester United, ayaa sidoo kale sheegay in xil ka qaadista Amorim aysan caqabad ku noqon doonin fursadaha shaqo ee tababarayaasha kale ee reer Portugal.

Wuxuu yiri:
“Waxa ku dhacay Ruben waa arrin Ruben kaliya uu falanqayn karo, waana aaminsanahay inuu sidaas sameyn doono, isaga iyo shaqaalihiisaba.”

Markii la weydiiyay in eryidda Amorim ee United ay saameyn taban ku yeelan doonto rajada shaqo ee tababarayaasha kale ee Portuguese-ka ah, Mourinho wuxuu ku jawaabay:
“Ma fahmayo sababta ay sidaas u noqon lahayd, balse tababare kasta isagaa ka jawaabi doona arrintiisa.
Aniga ahaan, maya, sidaas uma dareemayo.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga