Dominik Szoboszlai ayaa digniin u diray kooxda Arsenal Oo ay la ciyaarayso maalinta khamiista Kulan ka tirsan Premier League.
Wuxuu yiri:
“Horyaalka Premier League ma aha mid fudud. Laguma guuleysto bisha Janaayo, sidaas darteed uma maleynayo inaan la ciyaarayno horyaalka. Iyaga ayaa la ciyaaraya horyaalka.
“Taasna malaha iyaguba way ogyihiin, annaguna waan ognahay. Dabcan, waa mid ka mid ah kooxaha ugu cadcad xilli ciyaareedkan, waa koox cajiib ah, waxayna haystaan ciyaartoy aad u wanaagsan.
“Laakiin waa inaanan sidoo kale illoobin Man City iyo Aston Villa, oo si aad u fiican u ciyaaraya. Maya, annagu lama ciyaarayno horyaalka; iyaga ayaa la ciyaaraya horyaalka.”
Be the first to comment