RASMI: Man City Oo Dhamaystirtay Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ee Suuqa January.

Kooxda Man City ayaa si Rasmi ah u dhamaystirtay saxiixa xiddiga garabka weerarka uga ciyaara Bournemouth ee Antoine Semenyo sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga Antoine Semenyo Ayaa noqoanaya saxiixii ugu horeeyay ee ay Man City samayso suuqa January ee Bishan.

Man City ayaa ogolaatay in ay bixiso lacagta 65 milyan ee lagu bur-bur Karo heshiiskiisa kooxda Bournemouth.

Xiddiga reer Ghana ayaa qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah oo uu ku joogi doono kooxda Man City.

Xiddiga ayaa maalinta bari ee khamiista mari doona tijaabada caafimaadka si uu u noqdo saxiixii ugu horeeyay ee City suuqa January.

Antoine Semenyo ayaa iska diiday 4 kooxood oo premier League ah kuna jiraan Arsenal, Man United Iyo Liverpool si uu ugu biiro City.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga