Kooxda Barcelona ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee João Cancelo kaas oo ay kala soo wareegayso kooxda sucuudiga ka ciyaarta ee Al-Hilal.
Barcelona ayaa João Cancelo kula soo wareegtay heshiis amah 6 bilood ah oo ah inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.
Kooxda Barcelona ayaa bixisay lacag dhan 4 milyan oo euro oo heshiiska amahda ah si ay u dhamaystiraan saxiixiisa.
Inkasta oo uu xiddigu dalab Rasmi ah ka helay kooxda Inter Milan waxa uu go’aansaday in uu ku biiro Barcelona.
Barcelona ayaa u muuqata in ay tahay kooxdii ugu horaysay ee dhamaystirta heshiis weyn oo Rasmi ah suuqa January.
Be the first to comment