Tababaraha Liverpool, Arne Slot, ayaa ka hadlay kaddib barbaraha 2-2 ah ee kooxdiisa la gashay Fulham kulan ka tirsanaa wareegga 20-aad ee Horyaalka Ingiriiska, kaas oo ka dhacay garoonka Craven Cottage, isagoo xaqiijiyay inuu aad uga niyad-jabay natiijada inkastoo uu ku qancay bandhigga ciyaartoyda.
Slot wuxuu yiri:
“Marka aad marti tahay, laba gool mararka qaar way ku filnaan karaan guul, balse waxa nalaga dhaliyay gool qurux badan waqtigii dhimashada. Waxaan soo galinay gelinay Joe Gomez, laakiin fursadda si fiican looma isticmaalin, waxaana seegnay inaan helno natiijo ka wanaagsan.”
Wuxuu intaa ku daray:
“Waxaan helnay fursado qeybtii hore, sidoo kale Cody Gakpo oo gool dhaliyay. Waxaan si weyn u xakameynay ciyaarta, balse laba gool oo kaliya kuma filnaanin. Ciyaartoydu waxay bixiyeen dadaalkooda ugu badan.”
Isagoo sii hadlayay ayuu yiri:
“Kooxo badan ma abuuraan fursado kulan kasta, annaguna ugu yaraan waxaan abuurnay fursado ka badan kuwii toddobaadkii hore. Markii aan 2-1 ku hormarnay waqtiga dheeriga ah dabadeedna nala barbareeyay 2-2, aad ayaan uga niyad-jabay. Waxay ahayd darbo cajiib ah ilbiriqsiyadii ugu dambeeyay, mana aha markii ugu horreysay ee gool nalaga dhaliyo wakhtiga ugu dambeeya”.
Be the first to comment