Muxuu Amorim Ka Yidhi Bar-Barihii Ay Kooxdiisu La Gashay Leeds

Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa ka soo muuqday hadallo saxaafadeed kaddib barbaraha 1-1 ah ee ay la galeen Leeds United, kulan ka tirsanaa wareegga 20-aad ee Horyaalka Ingiriiska.

Tababaraha ayaa hadalkiisa ku yiri:
“Waxaan u maleynayaa inaan si wanaagsan u ciyaarnay. Waxaan u maleynayaa inaan si ka badan u xakameynay ciyaarta marka loo eego sidii aan uga muuqanay kulankii Wolverhampton, taasina waa arrin muhiim ah, maxaa yeelay waxay muujineysaa sida aan isugu diyaarin karno toddobaadkan annagoo ka faa’iideysanayna khaladaadkii aan ka barannay ciyaartii hore”.

“Waxaan si fiican u xakameynay Leeds marka laga hadlayo kubadaha karooska ah iyo weerarrada rogaal-celiska ah, maadaama ay aad ugu dheereeyaan dhanka weerarka. Guud ahaan, waxaan si wanaagsan u maamulnay socodka ciyaarta”

Wuxuu intaa ku daray:
“Waxaan helnay fursado aan ku guuleysan karno kulanka. Mararka qaar waxaan ku khasaarnaa ciyaaraha faahfaahin yar yar awgood – goolkii Leeds, annagoo ciyaarta xakameynayna, ka dibna waxaan seegnay fursad sahlan oo ka timid weerar rogaal-celin ah. Si kastaba ha ahaatee, waan ku soo laabannay ciyaarta”

“Sannadkii hore xaaladdu gabi ahaanba way ka duwaneyd. Sannadkan waxaan si ka wanaagsan u xakameynaa kulamada marka loo eego sanadkii hore, balse weli waxaan dareemeynaa niyad-jab sababtoo ah ma aanan gaarin guusha.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga