Manchester United ayaa barbaro 1-1 ah la gashay martigeliyayaashooda Leeds United, kulan ka tirsanaa wareegga 20-aad ee Horyaalka oo dhacay garoonka Elland Road.
Leeds United ayaa hoggaanka ciyaarta qabatay daqiiqaddii 62-aad, markii Brenden Aaronson uu dhaliyay gool kaddib markii uu ka helay baas Struijk, wuxuuna si qurux badan u galay xerada ganaaxa, ka dibna kubbad dhulka ah ku hubsaday shabaqa.
Daqiiqaddii 65-aad, Matheus Cunha ayaa u dhaliyay Manchester United goolka barbaraha, kaddib kubbad dhex-maris ah oo uu ka helay Zirkzee, taas oo Cunha si xirfad leh ugu dhammeeyay shabaqa.
Manchester United ayaa sidaas ku gaartay 31 dhibcood, waxayna si ku-meel-gaar ah u gashay kaalinta shanaad, halka Leeds United ay gaartay 22 dhibcood, iyagoo ku jira kaalinta 16-aad.
Be the first to comment