Chelsea Oo Shaacisay Tababaraha Hogaamin Doona Kooxda Kulanka Man City.

Tababaraha kooxda Chelsea U-21, Calum McFarlane, ayaa si ku-meel-gaar ah u qaadi doona masuuliyadda kooxda koowaad ee Chelsea kulankooda Premier League ee ay martida ugu noqonayaan Manchester City dhammaadka toddobaadkan.

Arrintan waxay timid kaddib markii Enzo Maresca shaqada laga ceyriyay Maalinta Sannadka Cusub.

Sida ay sheegtay Goal, McFarlane ayaa la filayaa inuu la hadlo warbaahinta Jimcaha ka hor kulanka.

Ka dib bixitaankii lama filaanka ahaa ee Maresca, Chelsea lama filayo inay helaan tababare cusub ka hor ciyaarta ay la leeyihiin Manchester City.

McFarlane wuxuu Stamford Bridge kaga soo biiray Southampton xagaagii hore.

Intii uu hoggaaminayay, kooxda Chelsea U-21 waxay ku jirtaa kaalinta afraad ee horyaalka Premier League 2.

Isaga oo hore u sheegay inuu dareemayo inuu “ka mid yahay qoyska”, McFarlane ayaa hadda lagu aaminay inuu hogaamiyo kooxda koowaad si ay u helaan saddex dhibcood oo muhiim ah kulanka Etihad.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga