Liverpool Oo Bar-Baro Niyad Jab Leh La Gashay Leeds United.

Kooxda Leeds United ayaa ku qasabtay Liverpool barbaro goolal la’aan ah, kulan ka tirsanaa wareegga 19-aad ee horyaalka Premier League, kaas oo ka dhacay garoonka Anfield.

Liverpool ma soo bandhigin qaab ciyaareedkii laga filayay, gaar ahaan qeybtii hore ee ciyaarta, iyadoo ciyaartoydu ku adkaatay inay abuuraan fursado gool, sababo la xiriira nidaam iyo anshax xeeladeed oo ay muujiyeen Leeds United, kuwaas oo si fiican u xakameeyay halista Reds-ka.

Qeybtii labaad ayuu wax yar soo hagaagay ciyaarta Liverpool, waxayna isku dayeen inay halis geliyaan goolka Leeds dhowr jeer, balse kooxda ayaa ku fashilantay taabashadii ugu dambeysay, iyadoo difaaca Leeds uu si weyn u adkaa. Dhanka kale, Leeds ayaa dhalisay gool uu saxiixay Llorente, balse waa la diiday sababo la xiriira offside.

Liverpool ayaa dhibcaheeda gaarsiisay 33 dhibcood, iyagoo ku jira kaalinta afraad, halka Leeds United ay gaartay 21 dhibcood, kuna jirta kaalinta 16-aad ee kala sarreynta horyaalka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga