DEG-DEG: Chelsea Oo Shaqada Ka Caydhisay Enzo Maresca.

Chelsea ayaa shaqada ka cayrisay Maresca, maamule cusubna waa la shaaciyay.

Chelsea ayaa go’aansatay inay iska fasaxdo tababarahooda Enzo Maresca.

Maresca ayaa ka tagaya Stamford Bridge kadib markii ay sii bateen khilaafaadka u dhexeeya isaga iyo masuuliyiinta sare ee kooxda ka ciyaarta Premier League-ga.

Waxaa la filayaa in booskiisa lagu beddelo tababaraha Strasbourg, Liam Rosenior.

Khabiirka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, Fabrizio Romano, ayaa bartiisa X ku qoray:

“Chelsea waxay magacaabi doontaa tababare cusub waqti dhow, mana qaadan doonto toddobaadyo ama waqti dheer. Kooxdu hadda way ka shaqaynaysaa arrintan.

“Liam Rosenior ayaa si weyn gudaha loogu qiimeeyaa kadib shaqo aad u wanaagsan oo uu ka qabtay Strasbourg, wuxuuna ka mid yahay musharraxiinta.

“Go’aanka waxaa la qaadan doonaa maalmo gudahood, mana qaadan doono waqti dheer.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga