Arsenal Oo Loo Sheegay Laba Arin Oo Ay Tahay In Ay Sameeyaan Hadii Ay Doonayaan In Ay Ku Guulaystaan Premier League.

Wariyaha Ingiriiska ah Piers Morgan ayaa sheegay laba arrimood oo ay tahay in Arsenal sameyso haddii ay rabaan inay ku guuleystaan horyaalka Premier League-ga.

Qoraal uu ku daabacay X (Twitter), Morgan wuxuu yiri Gunners waa inay ka adkaadaan Aston Villa kulanka ka dhacaya garoonka Emirates.

Kooxda Unai Emery ayaa sanadihii dambe noqotay koox dhib ku ah Arsenal, maadaama ay hal mar oo keliya ku guuleysteen afartii kulan ee ugu dambeeyay ee ay labada kooxood wada ciyaareen.

Morgan sidoo kale wuxuu ku baaqay in Viktor Gyokeres iyo weeraryahannada kale ee kooxda ay kordhiyaan heerka gool dhalintooda.

“Laba xaqiiqo oo adag haddii Arsenal rabto inay ku guuleysato horyaalka,” ayuu Morgan qoray.

“a) Waa inaan maanta ka adkaanaa Villa.

b) Weeraryahannadeena, gaar ahaan Gyokeres, waa inay kordhiyaan gool dhalintooda.

“Waan jeclahay isaga, iyo dadaalkiisa, laakiin £63.5m waxaa laga rabaa goolal badan. Si caddaalad ahna, wuxuu u baahan yahay adeeg ka wanaagsan.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga