Xulka qaranka Senegal ayaa guul weyn ka gaaray dhiggiisa Botswana, kaddib markii uu kaga adkaaday 3-0 kulankii koowaad ee wareegga group-yada Koobka Qaramada Afrika.
Xulka Senegal ayaa laba gool ku helay ciyaaryahan Nicolas Jackson daqiiqadihii 40 iyo 57, halka Cherif Ndiaye uu dhaliyay goolka saddexaad daqiiqaddii 90, isaga oo u xaqiijiyay Senegal guusha.
Guushan kaddib, Senegal ayaa kor u qaadday dhibcaheeda ilaa 3 dhibcood, waxayna hogaanka u qabatay group-ka, halka Botswana ayna wax dhibco ah lahayn, iyada oo fadhida kaalinta afraad iyo tan ugu dambeysa.
Waxaa xusid mudan in Congo ay ku jirto kaalinta labaad iyadoo leh 3 dhibcood, halka xulka Benin uu ku jiro kaalinta saddexaad isaga oo aan weli helin wax dhibco ah.
Be the first to comment