Kooxda Lyon ayaa ku dhawaaqday saxiixa xiddiga Endrick kaas oo ay Real Madrid kala soo wareegtay inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.
Kooxda reer France ayaa Endrick ka bixisay lacag dhan hal milyan oo euro oo amaah ah inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.
Olympique Lyon ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Endrick uu ku biiri doono tababarrada kooxda koowaad laga bilaabo 29-ka December, isagoo muujiyay farxad ku aaddan dhammaystirka heshiiska, isla markaana u mahadceliyay Naadiga Real Madrid wada shaqeynta wanaagsan iyo isfahanka sare ee fududeeyay dhammeystirka.
Waxaa la qorsheeyay in ciyaaryahanka da’da yar ee reer Brazil uu xiran doono lambarka 9 inta uu la joogo naadiga Faransiiska.
Be the first to comment