Ma Ahan Declan Rice, William Gallas Oo Magacaabay Xiddiga Khadka Dhexe Ee Ugu Fiican Adduunka.

Xiddigii hore ee xulka Faransiiska William Gallas ayaa sheegay in khadka dhexe ee Paris Saint-Germain Vitinha uu yahay kan ugu fiican adduunka.

Gallas, oo hore uga soo ciyaaray Arsenal iyo Chelsea, ayaa sheegay in khadka dhexe ee Arsenal iyo xulka England Declan Rice uu ka mid yahay ciyaartoyda ugu fiican adduunka, balse uusan ahayn kan ugu fiican dhammaantood.

Falanqeeyayaal badan iyo taageerayaal ayaa ku tilmaamay Rice inuu yahay khadka dhexe ee ugu fiican adduunka, halka qaar kalena ay isla sidaas ka yiraahdeen ciyaaryahanka Chelsea Moisés Caicedo.

Inkastoo Gallas uu qiray bandhigyada cajiibka ah ee Rice uu u sameeyay kooxdiisa iyo xulkiisaba, haddana weli wuxuu aaminsan yahay in khadka dhexe ee PSG iyo Portugal Vitinha uu ka sarreeyo.

“Waxaa laga yaabaa inuu [Rice] ka mid yahay khadka dhexe ee ugu fiican, balse ma aha kan ugu fiican, sababtoo ah waxaan u maleynayaa in khadka dhexe ee ugu fiican waqtigan uu yahay Vitinha,” ayuu Gallas u sheegay OLBG.

Vitinha, oo 25 jir ah, ayaa si heer sare ah u ciyaaray tan iyo markii uu ku biiray PSG sanadkii 2022.

Khadka dhexe ee reer Portugal ayaa ka caawiyay kooxda waaweyn ee Ligue 1 inay ku guuleystaan horyaalka, Champions League, iyo koobab kale xilli ciyaareedkii hore.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga