Sida ay werisay talkSPORT, Mohamed Salah waxaa la filayaa inuu sii joogo Liverpool inta ka dhiman xilli ciyaareedkan inkasta oo uu shaki weyn ku jiro mustaqbalkiisa Liverpool.
Mustaqbalka xiddiga reer Masar ee Anfield ayaa ahaa mid shaki ku jiray tan iyo hadalkiisii muranka badan dhaliyay ee uu bixiyay kaddib ciyaartii Leeds ee dhacday 6-da December.
Si kastaba ha ahaatee, maadaama Alexander Isak uu si daran u dhaawacmay, Liverpool ma ogolaan doonto bixitaanka Salah.
Be the first to comment