Isagoo ka hadlayay kaddib guushii adkayd ee Arsenal ay 1–0 kaga adkaadeen Everton, Gary Neville ayaa mar kale muujiyay aaminsanaantiisa ku aaddan in Gunners ay leeyihiin awood ay ku qaadi karaan horyaalka Premier League, inkasta oo kooxda Mikel Arteta ay saddex xilli-ciyaareed oo xiriir ah ku dhammaatay kaalinta labaad.
“Arsenal, anigu waxaan u maleynayaa inaysan aad uga walwaleyn doonin xaqiiqda ah inay si ciriiri ah uga gudbeen kulamadan u dambeeyay, taasna mararka qaarkood way dhacdaa,” ayuu Neville u sheegay Sky Sports.
“Ma aysan fiicnayn kulankii Everton xalay, balse miyay waligood filayeen inay halkaas mucjiso ka sameeyaan?
“Waxaan u maleynayaa in Arsenal ay ku sugan yihiin meel wanaagsan. Waxa runtii xiiso leh ayaa ah sida ay wax u maareyn doonaan marka la gaaro March, April, iyo May. Halkaas ayay wax walba aad u xiiso badan doonaan. Aragtidayda daacadda ah waxay tahay marka la gaaro Februry ama March, Arsenal waxay sii ballaarin doonaan hoggaankooda, mar kale waxay gaari doonaan shan ama lix dhibcood.
“Waxaan dareemayaa in tani tahay sannadkoodii. Mar walba waa la filayay in City wax yar u soo dhowaadaan. Waxaa laga yaabaa in Arsenal si buuxda loo bahdilo haddii Pep Guardiola, Haaland iyo asxaabtiisu mar kale ku guuleystaan horyaalka sanadkan”
“Taageerayaasha City way kalsooni qaadanayaan. Waxay u maleynayaan in tani tahay sannadkoodii, waxayna dhahayaan ‘waan soo dhowaanay, bisha March, April iyo May ayay ku fashilmi doonaan’, balse anigu ma hubo in Arsenal-kan ay mar kale fashilmi doonaan markan.”
Be the first to comment