Liverpool Oo Tallaabo U Qaaday Saxiixa Antoine Semenyo.

Kooxda Liverpool ayaa haatanba qaaday tallaabo ay kula soo saxiixanayso xiddiga kooxda Bournemouth Antoine Semenyo sida laga soo xigtay Sky Sport.

Liverpool ayaa ogaatay in dhaawaca Alexander Isak yahay mid halis ah isla markaas maqnaan doono inta ka dhiman xilli ciyaareedka.

Heshiiska Antoine Semenyo ayaa lagu bur-burin karaa lacag dhan 65 milyan oo euro waxana ay kooxdiisa Bournemouth diyaar u yihiin in ay iibiyaan xiddiga.

Xiddiga reer Ghana ee Antoine Semenyo ayaa dhinaciisa yaar u ah in uu ku biiro kooxda Liverpool suuqa January.

Si kasta ha ahaatee Liverpool ma ahan kooxda kaliya ee doonaysa Antoine Semenyo maadama ay kooxo badan oo ay ka mid yihiin Man City Iyo Man United sidoo kale doonayaan saxiixiisa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga