Aston villa Oo Garaacday Man United

Aston Villa ayaa guul muhiim ah ka gaartay dhiggeeda Manchester United, kadib markii ay ku garaacday 2–1 kulan ka tirsanaa wareegga 17-aad ee Horyaalka Ingiriiska.

Aston Villa ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta daqiiqaddii 45-aad, kaddib gool uu dhaliyay Morgan Rogers, halka Manchester United ay barbaraha keentay daqiiqaddii 45+3, goolkaas oo uu dhaliyay Mateus Cunha.

Daqiiqaddii 58-aad, Aston Villa ayaa dhalisay goolkeedii labaad, mar kale waxaa saxiixay Morgan Rogers.

Guushan kaddib, Aston Villa waxay dhibcaheeda ka dhigtay 36 dhibcood, iyagoo kusoo baxay kaalinta saddexaad ee kala sarreynta horyaalka, halka Manchester United ay ku hartay 26 dhibcood, kana jirta kaalinta toddobaad.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga