Kulanka u dhexeeyay Chelsea iyo Newcastle ayaa ku dhammaaday barbaro 2-2 ah, ciyaartii wareegga 17-aad ee Horyaalka Ingiriiska (Premier League) oo ka dhacday garoonka St. James’ Park.
Newcastle ayaa hoggaanka ciyaarta u qabatay laba gool, kuwaas oo uu dhaliyay xiddiga Jarmalka ah Nick Voltemaid daqiiqadihii 4-aad iyo 20-aad, iyadoo qeybta hore ee ciyaarta ay ku dhammaatay 2-0 ay Newcastle ku hoggaaminayso.
Daqiiqaddii 49-aad, Reece James ayaa dhaliyay gool uu farqiga ku soo yareeyay, kadib laad toos ah (free kick), halka João Pedro uu dhaliyay goolka barbaraha daqiiqaddii 66-aad, kadib kubbad dheer oo uu soo tuuray goolhayaha Sánchez.
Chelsea ayaa dhibcaheeda gaarsiisay 29, taasoo si ku-meel-gaar ah uga dhigtay kaalinta afraad, halka Newcastle ay dhibcaheeda ka dhigtay 23, iyagoo si ku-meel-gaar ah u galay kaalinta 11-aad.
Be the first to comment