Halyeeyga Manchester United, Sir Alex Ferguson, ayaa ka hadlay jihada uu hadda ku socdo kooxda, wuxuuna la wadaagay inta ay qaadan karto in ay mar kale ku soo laabtaan heerka ugu sarreeya.
Suaal: Ma ka rajo qabtaa mustaqbalka Manchester United marka uu joogo Ruben Amorim?
“Isaga [Amorim] waa qof leh shakhsiyad wanaagsan. Arrintu ma fududa. Waxaan dib u xusuustaa waqtigeygii aan halkaas ka bilaabay, markaas oo Liverpool ay ahaayeen kooxda ugu awoodda badan”
“Waxay ahaayeen koox weyn oo cajiib ah, waxayna ku guuleysteen Koobka Yurub afar jeer iyo waxyaabo kale, balse haddana waxay ku qaadatay 31 sano inay mar kale ku guuleystaan horyaalka.
“Hadda annaguna waxaan ku jirnaa xaalad la mid ah. Waxay qaadan kartaa toban sano, ama 11 sano, sababtoo ah wareeggaas Waa in si taxaddar leh loo qorsheeyaa, waana in aan hubinno in soo xulashada ciyaartoyda ay ka fiicnaato sidii ay hore u ahayd.”
Be the first to comment