Ivory Coast waxay ku guuleysatay koobka Qaramada Afrika (AFCON) markii saddexaad, kaddib markii ay ku guuleysatay tartan cajiib ah oo ay ku martigelisay dalkooda bishii February 2024.
Maroodiyaasha (Elephants) ayaa final-ka ka dhacay Abidjan ka soo kabsaday gool looga hormaray, waxayna 2–1 kaga adkaadeen Nigeria, iyadoo Sébastien Haller uu dhaliyay goolka guusha.
Ku guuleysiga koobka iyagoo hortooda jooga taageerayaal faraxsan oo dalkooda ah ayaa soo afjaray tartan aad u yaab badan oo ay yeesheen Ivory Coast, kuwaas oo shaqada ka ceyriyay tababarahoodii kadib markii ay guuldaro 4/2 ah kala kulmeen Equatorial Guinea wareegga group-yada, isla markaana kaliya ku gudbay wareegyada bug-baxa (knockouts) sababtoo ah natiijooyin kale oo u hiiliyay.
Hadda waxay ku guuleysteen AFCON saddex jeer — tiro ay ka sarreeyaan oo keliya saddex dal. Nigeria iyaduna sidoo kale waxay ku guuleysatay tartanka saddex jeer.
Hadaba waxa aan Halkan ku Soo bandhigi doonaa Xulalka Ugu Koobabka badan tartanka Koobka Africa.
Masar ayaa ah waddanka ugu awoodda badan taariikhda Koobka Qaramada Afrika (AFCON), iyadoo ku guuleysteen toddobo jeer, oo ay ku jirto daabacaddii ugu horreysay ee tartanka sannadkii 1957.
Lix dal oo kale ayaa sidoo kale ku guuleystay koobka in ka badan hal mar, waxaana guud ahaan tartanka ku guuleystay 15 dal.

Be the first to comment