Omar Marmoush Oo Ka Hadlay Fursadaha Xulka Masar Ee Koobka Africa.

Weeraryahanka Masar Omar Marmoush ayaa aaminsan in xulka masar ay leeyihiin tayo ku filan oo ay ku hanan karaan Koobka Qaramada Afrika 2025.

Xulka masae waa xulka ugu guulaha badan taariikhda tartanka, iyagoo ku guuleystay toddobo koob.

Kooxda uu hoggaamiyo Hossam Hassan ayaa ku fashilantay inay ka gudubto wareegga group-yada tartankii ugu dambeeyay ee koobka.

Si kastaba ha ahaatee, Marmoush wuxuu kalsooni buuxda ka qabaa in ay mar kale koobka ku guuleysan karaan.

“Dabcan waan ku guuleysaneynaa Koobka Qaramada Afrika, ka dibna Koobka Adduunka,” ayuu yiri Marmoush, sida ay werisay Foot Africa.

Xulka masar ayaa ku jirta Group B iyaga oo la Group ah Xulalka South Africa, Zimbabwe iyo Angola.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga