Real Madrid Oo Shaacisay Mudada Uu Éder Militão Ku Maqnaan Doono Dhaawac, Imisa Kulan Ayuu Seegayaa?

Kooxda Real Madrid ayaa maanta oo Arbaco ah si rasmi ah ugu dhawaaqday nooca dhaawaca uu qabo xiddiga reer Brazil Éder Militão, kaas oo uu ku dhaawacmay kulankii saaxiibtinimo ee Talaadadii ay la yeesheen Tunisia.

Kooxdu waxay bayaan ku tiri:

“Kadib baaritaannadii maanta lagu sameeyay ciyaaryahankeenna Éder Militão, waxaa lagu ogaaday inuu qabto dhaawac muruqa ah”

Sida ay soo tebinayaan warbixinno badan oo saxaafadeed, xiddiga Brazil wuxuu ka maqnaan doonaa Real Madrid muddo u dhexeysa laba ilaa saddex toddobaad.

Militão wuxuu seegi doonaa kulamada ka dhanka ah:

Elche

Olympiacos

Girona

Celta Vigo

Waxaana suuragal ah inuu ku soo laabto kulanka adag ee Manchester City, kaas oo ka tirsan kulanka ugu dambeeya wareega kooxaha Champions League, laguna ciyaari doono 10-ka December.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga