Kooxda Real Madrid ee dalka Spain ayaa maanta oo Khamiis ah ku dhawaaqday in ciyaaryahankeeda Faransiiska ah, Aurélien Tchouaméni, uu dhaawac soo gaaray isla markaana uu seegi doono toddobaadyada soo socda.
Kooxdu waxay bayaan rasmi ah ku sheegtay:
“Kadib baaritaanno lagu sameeyay ciyaaryahanka Aurélien Tchouaméni waxaa la ogaaday inuu qabo dhaawac muruqa lugtiisa bidix. Waxaa si dhow loola socon doonaa soo kabashadiisa maalmaha soo socda.”
Sida laga soo xigtay wargeyska Marca ee Isbaanishka ah, Tchouaméni ayaa garoomada ka maqnaan doona qiyaastii 3 toddobaad, taas oo ah dharbaaxo culus oo ku ah qorshayaasha tababare Xabi Alonso, maadaama jadwalka ciyaaraha aad u badanyihiin.
Waxaa la filayaa inuu seego kulamada Real Madrid ee ka dhanka ah: Rayo Vallecano, Elche, Olympiacos, Girona, iyo sidoo kale inuu ka maqnaado xulka qaranka Faransiiska inta lagu jiro fasaxa ciyaaraha caalamiga ah ee soo socda.
Kooxda Real Madrid ayaa rajaynaysa in Tchouaméni uu si dhakhso ah ugu soo laabto garoomada, maadaama uu ka mid yahay tiirarka ugu muhiimsan ee khadka dhexe ee kooxda.
Be the first to comment