Owen Hargreaves ayaa ka digay Arsenal in Manchester City aysan weli laga saarin tartanka horyaalka Premier League.
City ayaa xaqiijisay guul cajiib ah 4-1 ah markii ay gurigooda ku garaaceen Borussia Dortmund habeenkii Arbacada ee Champions League, iyadoo Phil Foden uu dhaliyay labo gool, halka Erling Haaland iyo Rayan Cherki ay iyaguna shabaqa taabteen.
Horyaalka Premier League, Man City ayaa 6 dhibcood ka dambaysa kooxda Arsenal waxana ay wada ciyaari doonaan Liverppol Axada soo socota.
Arsenal ayaa loo arkaa inay yihiin kuwa ugu cadcad ee ku guuleysanaya horyaalka xilli ciyaareedkan, taas oo noqonaysa markii ugu horreysay tan iyo 2004, sababtoo ah bilowgooda cajiibka ahaa ee xilli ciyaareedkan.
Si kastaba ha ahaatee, Hargreaves wuxuu aaminsan yahay in City ay Halis weyn ku noqon doonaan tartanka Arsenal ee horyaalka.
“Waxaan u maleynayaa inuu [Guardiola] ogyahay in kooxdiisu ay dib ugu soo laabato heerkeedii ugu fiicnaa,” Hargreaves ayaa u sheegay TNT Sports.
“Waxan u malaynayaa in ay Arsenal fiicantahay laakiin wali ma guulaysan waxana laga yaabaa in ay guulaystaan”.
“Laakiin hadii ay Man City bilowdo in ay baacsato Arsenal waxa ay keeni kartaa tartan adag”.
Be the first to comment