Halyeeyga Liverpool, Jamie Carragher, ayaa qirtay in Arsenal ay ka mid tahay “afar ama shan kooxood” oo xilli ciyaareedkan ku guuleysan kara koobka Champions League.
Carragher wuxuu falanqeynayay guushii 4-0 ee Arsenal ka gaartay Atletico Madrid Talaadadii.
Viktor Gyokeres ayaa laba jeer shabaqa soo taabtay, halka Gabriel Magalhaes iyo Gabriel Martinelli ay iyaguna dhaliyeen goolal.
Natiijadaas waxay ka caawisay Arsenal inay sii wadaan bilowgooda cajiibka ah ee tartanka.
Carragher wuxuu aaminsan yahay in Arsenal ay ka mid tahay kooxaha ugu cadcad ee ku guuleysan kara koobka.
Wuxuu yiri: “Kooxdaydii Liverpool ee ku guuleysatay Champions League [sanadkii 2005] ma ahayn koox weerar ahaan aad u xoog badan, balse difaac ahaan waanu adkaynay.”
“Taasi mar walba fursad ayay ku siisaa, gaar ahaan marka la gaaro marxaladaha kala baxa iyo kulamada laba lugoodka ah”
“Haddii aad difaac ahaan adag tahay, mar walba fursad ayaad leedahay”
“Sidaas darteed, haa, waxaan u arkaa Arsenal inay ka mid tahay afar ama shan kooxood oo tartankan ku guuleysan kara.”
Be the first to comment