Peter Schmeichel Oo Magacaabay Laba Xiddig Ayna Ahayn In Ay Man United Iibiso.

Peter Schmeichel ayaa magacaabay laba ciyaaryahan oo Manchester United “waligood aysan ahayn inay iska iibiyaan.”

Kooxda Red Devils ayaa si weyn loogu dhaleeceeyay ganacsigooda suuqa kala iibsiga tan iyo markii uu Sir Alex Ferguson ka fariistay shaqada, gaar ahaan dhanka ciyaartoyda la keenay iyo kuwa la fasaxay.

Ciyaartoy badan oo lacag badan lagu keenay ayaa ku guuldareystay, sida Antony – kaas oo ah ciyaaryahanka labaad ee ugu qaalisan taariikhda kooxda – Jadon Sancho iyo Romelu Lukaku.

Laakiin sidoo kale Manchester United ayaa si liidata uga shaqeysay iibinta ciyaartoyda, iyadoo ciyaartoy badan oo laga diray kooxda ay si fiican ugu guuleysteen kooxo kale.

Scott McTominay wuxuu ka caawiyay Napoli inay ku guuleysato horyaalka Serie A xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, waxaana qaab ciyaareedkiisii wanaagsan ee uu ka soo bandhigay Naples u suurtageliyay in loo magacaabo xiddigaha  u tartamaya abaalmarinta Ballon d’Or.

Schmeichel ayaa wali ka yaaban go’aankii Manchester United ay ku iibisay Scott McTominay, oo kooxda kaga tagay £25 milyan, wuxuuna sidoo kale sheegay inuu “ka xumaaday” bixitaankii Rasmus Højlund.

Højlund wuxuu amaah ugu biiray Napoli waxaana la filayaa inuu si rasmi ah ugu wareego kooxda Talyaaniga xagaaga dambe haddii shuruudo gaar ah la fuliyo.

Schmeichel ayaa yidhi”Hadii aan daacad u hadlo waxa uu Rasmus Hojlund noqon lahaa weeraryahan heer sare ah”.

“Waxa aan odhan lahaa Scott McTominay iyo Rasmus Højlund ma ahayn in ay ka tagaan Man United”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga