Thierry Henry ayaa aaminsan in Liverpool ay ku adkaan doonto inay ku guuleysato Champions League xilli ciyaareedkan, sababo la xiriira daciifnimadooda dhanka difaaca.
Kooxda uu hogaamiyo Arne Slot ayaa iska lumisay labo gool oo ay horay ugu hoggaaminayeen kulankii furitaanka Champions League habeenkii Arbacada, waxaana ay u baahdeen gool uu waqtiga dheeriga ah dhaliyay Virgil van Dijk si ay u xaqiijiyaan guul 3-2 ah oo ay ka gaareen Atletico Madrid garoonka Anfield.
Inkasta oo Liverpool ay labo kulan oo xiriir ah goolal la’aan kaga baxday horyaalka Premier League – kulamada ay la ciyaareen Burnley iyo Arsenal – haddana waxay laba gool ka heleen kooxaha Newcastle United iyo Bournemouth labadoodaba.
Iyadoo ay guul ka gaareen kulankii furitaanka, Henry ayaa qirtay inuusan hubin rajada Champions League ee Liverpool xilli ciyaareedkan, isagoo sheegay in kooxda horyaalka heysata ay tahay inay si weyn u hagaajiso difaaceeda.
“Liverpool… anigu ma hubo,” ayuu yiri Thierry Henry, “Jamie [Carragher] wuu sheegay, aniguna waxaan qabaa in xitaa tan iyo xilligii diyaar-garowga ay kooxda si fudud u oggolaaneysay goolal badan, waa in ay taas meesha ka saaraan,” ayuu u sheegay CBS Sports.
“Mar kale ayay dirqi ku badisay kadib kulankii ugu dambeeyay ee Burnley”ayuu sii raaciyay.
“Waana inaad heshaa waddo aad ku guuleysato kulamada, sidaas darteed maaha inaan ka cabaneyno taas.
“Laakiin Champions League-ka, haddii aad goolal badan ogolaato, aad bay u adag tahay in aad tartankaas ku guuleysato.”
Be the first to comment