Man United Oo Loo Tilmaamay Tababaraha Badali Kara Ruben Amorim

Kaaliyihii hore ee Sir Alex Ferguson, Rene Meulensteen, ayaa aaminsan in halyey hore oo Manchester United ah uu yahay “xulashada cad” ee lagu beddeli karo Ruben Amorim.

Amorim ayaa wajahayaa dagaal uu ku badbaadinayo shaqadiisa garoonka Old Trafford kadib toban bilood oo aad u liita tan iyo markii uu beddelay Erik ten Hag bishii November ee la soo dhaafay.

Manchester United waxay ku jirtay kaalinta 14aad markii Ten Hag la ceyriyay, balse waxay xilli ciyaareedkii ku dhameysteen meel ka sii xun xilligii Ten Hag.

United ayaa weli ku jirta qeybta hoose ee kala sarreynta kadib afarta kulan ee ugu horreysay xilli ciyaareedka cusub, waxaana guushoodii kaliya ilaa hadda ay ka gaadheen Burnley.

Tababaraha hore ee kooxda Sporting weli wuxuu haystaa taageerada maamulka Man United balse taas ayaa is beddeli karta haddii natiijooyinka aysan hagaagin ka hor fasaxa xiga ee caalamiga ah oo ah saddex kulan kadib.

Tababarihii hore ee United, Rene Meulensteen, ayaa rumeysan in Ruben Amorim “uu shaqada ka tagi karo” ka hor ciida Gaalada.

“Ma dhici kartaa in Ruben Amorim la ceyriyo ka hor Kirismaska? Dabcan, si buuxda ayey suurtagal u tahay,” ayuu Meulensteen u sheegay BetVictor.

“Waxa aan qabaa hadii uu sii wado madax-adaygiisa oo ayna natiijadu is badalin isla markaas uuna guulo gaadhin ma jirto waddo kale oo aan ahayn in uu ka tago kooxda”.

“Waxa ku soo socda kulamo adag, laakiin sidaan horey u sheegay, waxaa dhab ahaantii jirta suurtagalnimo ah inuu tago bilaha soo socda,” ayuu yiri Meulensteen.

Markii uu ka hadlayay suurtagalnimada cida badali karta ayuu yidhi “Michael Carrick waxaa laga yaabaa inuu noqdo xulashada cad haddii Ruben Amorim la cayriyo.”

“Waa iska cadahay in Michael Carrick weli garanayo dhowr ciyaartoy oo kooxda jooga kuwaasoo uu hore ula shaqeeyay intii uu joogay halkaas. Sidaas darteed, weli wuxuu haystaa xog muhiim ah oo gudaha ah oo ku saabsan kooxda.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga