
Manchester United ayaa looga digay in saxiixa 74 milyan ginni Benjamin Sesko uu ‘la mid yahay khaladkii ay Liverpool samaysay suuqii Xagaaga.
Sesko ayaa dhameystiray heshiis 74 milyan ginni ah oo uu ugu dhaqaaqay Old Trafford horaantii bishaan ka dib markii uu diiday xiisaha kooxda kale ee Premier League ee Newcastle United.
Xiddiga heerka caalami ee dalka Slovenia ayaa soo jiitay kooxo badan oo caan ah ka dib laba xilli ciyaareed oo cajiib ah oo uu ku qaatay RB Leipzig, halkaas oo uu u dhaliyay 39 gool 87 kulan oo uu saftay.
Sesko ayaa kulankiisii ugu horeysay ee Premier League ka horyimid Arsenal Axadii, isagoo badel ku soo galay qeybtii labaad kulankii Manchester United looga badiyay 1-0.
22-sano jirkaan ayaa loo saxiixay inuu ka caawiyo xallinta mashaakilaadka gooldhalinta United isla markaana uu u bedelo Rasmus Hojlund, kaasoo waqti xun ku qaatay Manchester tan iyo markii uu 72 milyan ginni uga soo wareegay Atalanta.
Laakiin ciyaaryahankii hore ee Jarmalka Dietmar Hamann ayaa uga digay Red Devils in Sesko uu ‘la mid yahay xiddigii ku fashilmay Liverpool ee Darwin Nunez.
“Ma hubo in taageerayaasha Manchester United ay rabaan inay maqlaan, laakiin waxaan qabaa in Benjamin Sesko uu yahay ciyaaryahan la mid ah Darwin Nunez,” Hamann ayaa u sheegay CasinoHawks.
“Waxan u malaynayaa in Seško leeyahay awood jir sidoo kale yahay xiddig dheer isla markaas ka taabasho fiican Nunez”.
“Farsamo ahaan waa ciyaaryahan hibo leh, laakiin waa wiil da’yar oo awood badan. Nunez waxay u badan tahay inuu yahay kii aan barbar dhigi lahaa isaga sannadihii ugu dambeeyay”.
“Waxaan dhihi lahaa dhameystirkiisa ayaa laga yaabaa inuu ka yara wanaagsan yahay Nunez, laakiin waa inuu caddeeyaa. Waxa uu ku sameeyay waqtiyada Leipzig, laakiin runtii hadda waxa uu ku sugan yahay Manchester United”.
Be the first to comment