Wayne Rooney Oo Man United U Sheegay laba Saxiixa Oo Ay U Baahantahay Ka Hor Xidhitaanka Suuqa Xagaaga.

Wayne Rooney ayaa ku booriyay Manchester United inay la soo saxiixdaan laba ciyaaryahan ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, waxaana uu sheegay in Ruben Amorim uu yahay qof waalan hadii uuna u dhaqaaqin saxiixa Goolhaye Gianluigi Donnarumma.

Red Devils ayaa wax ka yar 200 milyan ginni ku qarash gareysay xagaagan, taasoo xoojisay kooxda Amorim iyadoo la Soo saxiixatay xiddigaha Benjamin Sesko, Matheus Cunha iyo Bryan Mbeumo.

Inkasta oo 1/0  looga badiyay Man United ayuu ka muuqday Horumar weyn iyada oo kaliya looga badiyay khalad uu sameeyay Goolhaye Altay Bayindir.

Andre Onana ayaa ahaa lambarka 1-aad ee Amorim xilli ciyaareedkii hore waxana uu tababaraha United xaqiijiyay in maqnaanshihiisa kulankii Arsenal uu ahaa go’aan taatiko ah halkii uu dhaawac ka ahaa.

Halka uu ka faa’iidaysan lahaa maqnaanshaha Onana Goolhayaha reer Turkey ayaa sameeyay khalad taas oo keenaysa in Man United lala xidhiidhinayo Goolhaye Cusub iyaga oo xiiso u qaba Donnarumma.

Halyeyga kooxda Rooney ayaa aaminsan in xaalada goolhayaha ee Old Trafford ay tahay dhibaato isla markaas ay u dhaqaaqdo saxiixa Goolhaye Donnarumma.

“Waxa jirta dhibaato Goolhayaha ah waxana aan qabaa in uu taageere kasta oo Man United ah waxa uu qabaa su’aasha aan qabo”.

“Aniga ahaan Donnarumma hadii ay suurtagal tahay in ay u dhaqaaqdo waa in Aad u dhaqaaqdo sida ugu dhakhsaha badan”.

Markii la weydiiyay haddii uu hadii ay United u Baahantahay Xiddig khadka dhexe ah.

Rooney ayaa yidhi”haa ayaan odhan lahaa, in la helo ciyaaryahan khadka dhexe ah iyo gool haye ayaa ah mudnaan, hadii ay wax ka qaban karaan ka hor inta uusan daaqada xirmin waxa ay joogi doonaan meel fiican”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga