Dhirbaaxo: Xiddig Arsenal Oo Muddo Dhaawac Kaga Maqnaan Doona, Waa kuma Xiddigu?

Kai Havertz ayaa muddo dheer la filayaa In Uu dhaawac uga maqnaado kooxda Arsenal sida ay sheegayaan wararku.

Sida laga soo xigtay The Athletic, Havertz ayaa dhaawac jilibka ah soo gaaray, waxaana uu Maqnaan doonaan muddo.

Xiddiga reer Germany ayaa soo galay qeybta labaad ee guushi ay Gunners 1-0 kaga badisay Manchester United isbuucaan.

Ma cadda goorta uu dhaawaca soo gaaray Havertz, balse ma uusan joogin tababarkii furnaa ee Emirates subaxnimadii Arbacada.

Arsenal ayaa hadda sahaminaysa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda si ay u xoojiso weerarka oo ay u hesho badalkiisa.

Tani waxay la macno tahay in weeraryahan cusub Viktor Gyokeres uu ku soo bilaaban doono kulanka Leeds United sabtida kulankooda labaad ee Premier League.

Gyokeres ayaa ku dhibtooday inuu wacdaro ka dhigo kulankii United, waxaana uu raadin doonaa inuu goolkisii ugu horeysay ee tartan ah ka dhaliyo Leeds United.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga