
Kooxda Arsenal ayaa garaacday Man United kulan xiiso leh kana dhacay Old Trafford kulan ka tirsanaa furitaanka xilli ciyaareedka.
Kulanka ayaa ahaa mid uu is badal weyn ka muuqdo Man United kuwaas oo dhinac walba kaga fiicnaa Man United.
Red Devils ayaa maamulaysay ciyaarta iyaga oo dhinac kasta kaga fiicnaa Arsenal.
Laakiin Arsenal ayaa daqiiqadii 13-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Riccardo Calafiori kaas oo ka faa’iidaystay khalad uu sameeyay Goolhayuhu.
Wixii intaas ka dambeeyay Man United ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolka bar-baraha laakiin uma suurtagalin taasi.
Goolhayaha Arsenal ee David Raya ayaa sameeyay badbaadino cajiib ah isaga oo United u diiday in ay taabtaan goolkiisa.
Be the first to comment