Liverpool Oo Diyaar U Ah In Au Iibiso 3 Ciyaartoy Oo Kooxdeeda Ah.

Liverpool ayaa diyaar u ah inay u ogolaato seddex da’yar inay ka tagaan xagaagan.

Sida laga soo xigtay UK Mirror, waxay kala yihiin Luca Stephenson, James McConnell iyo Lewis Koumas.

Liverpool ayaa ah kooxda ugu cad-cad suuqa kala iibsiga xagaaga iyaga oo suuqa galiyay wax la badan 300 milyan oo euro.

Liverpool ayaa la soo saxiixatay xiddigo ay ka mid yihiin Hugo Ekitike, Florian Wirtz, Milos Kerkez iyo Jeremie Frimpong.

Trent Alexander-Arnold ayaa sidoo kale Real Madrid ugu biiray 10 milyan oo gini, halka Bayern Munich ay ku iibsatay 63.5 milyan gini Luis Diaz.

Kooxda heysata horyaalka Premier League ayaa isku dayeysa inay lasoo saxiixato weeraryahanka Newcastle United, Alexander Isak, kaasoo ku kacaya ilaa 150 milyan ginni.

Laakiin Liverpool ayaa diyaar u ah inay ciyaartoy badan u ogolaato inay kooxda ka tagaan, iyadoo Arne Slot uu doonayo inuu dib u habeyn ku sameeyo kooxdiisa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga