
Manchester United ayaa xoojisay dadaalkeeda ku aadan saxiixa Bryan Mbeumo iyagoo dalab wanagsan ka gudbiyay Brentford oo ay ku doonayaan weeraryahanka heerka caalami ee dalka Cameroon.
Dalabkii ugu dambeeyay ayaa ahaa 65 milyan oo euro Iyo 5 milyan oo euro oo guno ah waxaana jawaabta laga sugayaa kooxda reer London.
The Athletic ayaa soo wariyay bishii hore in Mbeumo uu ku wargaliyay Brentford iyo Tottenham Hotspur go’aanka uu ugu wareegayo Manchester United hadii uu u wareego xagaagan.
Brentford ayaa doonaysay inay hesho tiro ka badan £62.5m oo ay United ka siisay Wolverhampton Wanderers si ay ula soo wareegto Matheus Cunha xagaagan.
Wadahadalada ayaa sii socday iyadoo United ay isku dayeyso inay heshiis la gaadho Brentford iyadoo The Athletic ay markii ugu horeysay soo warisay June 2 in Mbeumo uu doonayo inuu ku biiro kooxda.
25 jirkaan ayaa galaya sanadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa Brentford, kaasoo heysta fursad uu ku kordhiyo qandaraaskiisa 12 bilood oo kale.
Be the first to comment