DEG-DEG: Liverpool Oo Tallaabo U Qaaday Saxiixa Hugo Ekitike.

Kooxda Liverpool ayaa tallaabo u qaaday saxiixa xiddiga kooxda Eintracht Frankfurt ee Hugo Ekitike.

Liverpool ayaa saacadihii ugu dambeeyay dar-dar galisay xiisaha ay u qabto saxiixa xiddiga kooxda Eintracht Frankfurt Si ay ugu xoojiso kooxda.

Liverpool ayaa haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga Hugo Ekitike si ay u dhamaystirto heshiiskiisa.

Saxafiga Ben Jacobs ayaa sheegaya in ay Liverpool xiddiga Hugo Ekitike ka saxiixatay heshiis 6 sano ah.

Liverpool ayaa haatan ka shaqaynaysa sidii ay heshiis ula gaadhi lahayd kooxda Eintracht Frankfurt ka hor dhamaystirka saxiixa xiddiga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga