
Jude Bellingham ayaa garoomada ka maqnaan doona muddo saddex bilood ah ka dib markii lagu guulaystay qaliin lagaga sameeyay garabka.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid ayaa garabka bidix ka dhaawacmay bishii November 2023 ciyaartii ay la ciyaareen Rayo Vallecano, taas ayaana keentay inuu afar kulan ka maqnaado.
Si kastaba ha ahaatee, waxa uu dib ugu soo laabtay kooxda tan iyo markaas, waxaana uu ku ciyaaray xanuun baabiiye isaga oo kooxda kula guulaysatay champions League sidoo kale ka qayb galay tartankii Euro 2024 ee xulkiisa.
Be the first to comment