
Kooxda Man United ayaa suuqa dhigtay xubin kasta oo ka mid ah kooxda ah kadib guuldaradii Final Europa League.
Guuldaradii xalay ka soo gaartay finalka Europa League ee Tottenham ayaa Red Devils ku keentay dhaqaale xumo soo wajahday xagaagan.
Madaxda Red Devils ayaa rajeynayay inay jeebka ku shubtaan 100 milyan marka ay u soo baxaan champions League xilli ciyaareedka dambe.
Laakiin fashilkii ayaa keentay in ay u baahato in ay iibiso xiddigaha kooxda.
Sida laga soo xigtay Mirror, xiddigaha Bruno Fernandes, Casemiro, Kobbie Mainoo, Luke Shaw, Harry Maguire, Andre Onana iyo Alejandro Garnacho ayaa dhamaantood la iibin karaa xagaagan.
Qiimaha saamiga United ee Sir Jim Ratcliffe ayaa hoos u dhacay boqolkiiba 60, halka tababare Ruben Amorim uu dhaliyay cabsi ah inuu baxo.
Be the first to comment