
Waxa lagu jiraa dhamaadka xilli ciyaareedka iyada oo kooxaha u dagaalamayaan sidii ay meel fiican ugu dhamaysan lahaayeen.
Sidoo kale Kooxaha ayaa bilaabaya sidii ay u ilaysan lahaayeen xiddigo ay ku xoojiyaan kooxdooda xilli ciyaareedka ambe.
Real Madrid ayaa ka carootay qaabka uu Vinicius Junior u wajahayo wada xaajoodyada heshiis kordhinta waxayna hadda u furan tahay inay iska iibiso haddii Saudi Pro League ay la timaado dalab rikoorka adduunka ah xagaagan (FootballTransfers).
Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa ku booriyay naadigiisa inay ceyrsadaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Jude Bellingham, laakiin, markii laga diiday dalabka, wuxuu raadinayaa inuu la soo wareego xiddiga Bayer Leverkusen ee Florian Wirtz (Defensa Central).
Dalab dhan €90m (£75.3m) ayay Bayern Munich ka gudbisay garabka Liverpool Cody Gakpo (Fichajes).
Dhanka kale, Liverpool ayaa isha ku heysa inay ka iibiso weeraryahan kale, Darwin Nunez, kaasoo ka iibinaya Saudi Arabia. Reds ayaa rajeyneysa inay dib u soo ceshato qeyb weyn oo ah 75 milyan oo euro oo u dhiganta (£62.8m) oo ay kula soo saxiixatay xiddiga sanadkii 2022 (FootballTransfers).
Arsenal, Liverpool iyo Nottingham Forest ayaa ka mid ah kuwa jecel 24 jirka weerarka uga ciyaara Udinese Lorenzo Lucca (Messaggero).
Manchester City ayaa isku diyaarinaysa inay amaah ugu dirto da’yarka khadka dhexe ee Claudio Echeverri Lazio si ay u xoojiyaan u dhaqaaqista 24 jirka daafaca dhexe ee Mario Gila (Calciomercato).
Weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Randal Kolo Muani oo haatan amaah kula jooga kooxda Juventus ayaa intii uu ku sugnaa Italy waxa daawadeen indho-indhaynyaal ka kala socday kooxaha Arsenal, Aston Villa, Chelsea, Liverpool, Newcastle United iyo Tottenham Hotspur (TBR Football).
Barcelona ayaa indhaha ku haysa daafaca dhexe ee kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk iyaga oo doonaya in ay ku xoojiyaan daafacooda (Fichajes).
Van Dijk ayaa xiiso sii kordhaya ka helaya kooxda ka ciyaarta Serie A ee Inter isaga oo galaya bilihii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa Liverpool (Caughtoffside).
Be the first to comment