Shaxda Ay Liverpool Kaga Hor Tagi Karto PSG, Xiddig Muhiim Ah Ayaa U Soo Laabanaya.

Tababaraha Liverpool Arne Slot ayaa lagu wadaa inuu dib u soo dhaweeyo Cody Gakpo oo dhaawac kaga maqnaa kooxda lugtii hore ee kulanka Champions League ay ka badiyeen PSG.

Gakpo ayaa seegay lugtii hore ee todobaadkii hore ee Parc des Princes ka dib markii aanu ka qayb qaadan tababar maalin ka hor waxana uu fadhiistay kulankii ay Liverpool 3/1 kaga badisay Southampton Sabtidii.

Si kastaba ha ahaatee, dhiirigelinta weyn ee Reds ka hor lugta labaad ee PSG – iyo sidoo kale axada finalka Carabao Cup ee Newcastle – Gakpo ayaa ku soo laabtay tababarka.

Darwin Nunez oo dhaliyay gool kulankii Southampton ayaa u dagaalami doona boos bilow ah isaga oo kula tartami doona xiddiga Diogo Jota.

Xiddigaha Andy Robertson iyo Alexis Mac Allister ayaa dib ugu soo laaban doona shaxda kadib markii ay kaydka galeen kulankii Southampton.

Liverpool predicted XI: Alisson; Alexander-Arnold, Konate, Van Dijk, Robertson; Gravenberch, Mac Allister; Salah, Szoboszlai, Diaz; Nunez

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga