Xiddigaha Caawinta Ugu Badan Sameeyay Premier League Xilli Ciyaareedkan

Inta badan sida caadiga ah waxa la hadal hayaa gool dhalinta premier League sabab la xidhiidha in Gool dhalintu tahay mid muhiim ah oo dhibco lagu helo.

Laakiin waxa ay dadku iloobaan ama ayna inta badan hadal hayn xiddigaha caawinta sameeya ee ka dambeeya goolasha ay dhaliyaan xiddiguhu.

Caawinta Goolasha ayaa ah muhiimad weyn oo ay sameeyaan xiddigo badan oo aan inta badan helin amaanta ay u qalmaan ama ay leeyihiin.

Xilli ciyaareedkan premier League waxa jira xiddigo badan oo wacdaro dhigay kuwaas oo caawiye ka noqday goolal badan ilaa haatan.

Horyaalka ayaa la ciyaaray 6 kulan walina xilli ciyaareedku waa bilow laakiin waxa jira xiddigo haatanba caawin ka noqday goolal badan.

Xiddiga kooxda Tottenham ee Harry Kane ayaa dhanka caawinta goolasha wacdaro ka dhigaya xilli ciyaareedkan isaga oo caawiye ka noqday 7 gool.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda Aston Villa ee John McGinn Kaas oo dhankiisa caawiye ka noqday 4 gool kulamadii uu kooxdiisa u ciyaaray xilli ciyaareedkan.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo xiddigaha ugu caawinta badan premier League ilaa haatan:

Harry Kane, Tottenham- 7 Caawin

John McGinn, Aston Villa – 4 Caawin

Jack Grealish, Aston Villa – 3 Caawin

Aaron Cresswell, West Ham – 3 Caawin

James Rodriguez, Everton – 3 Caawin

Sii Akhriso: Qarax Ay Ku Dhinteen Kuna Dhaawacmeen Dad U Badan Caruur Dugsi Quraan Dhiganaysay Oo Ka Dhacay Pakistan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*