Raphinha Oo Isha Ku Haya Rikoodh Uu Dhigay Lionel Messi Champions League.

Barcelona ayaa habeen adag ka badbaaday Lisbon iyada oo kooxda Hansi Flick ay 1-0 ku garaacday Benfica lugtii hore ee wareega 16ka UEFA Champions League.

Casaankii loo taagay Pau Cubarsi ayaa keentay in ay Barcelona ciyaarta ku dhamaysato 10 Xiddig laakiin taas ayaan Raphinha ka Hor istaagin in uu kooxdiisa u dhaliyo goolka kaliya ee ay ku badisay.

Qaab ciyaareedkiisa ayaa sii socda isaga xiddiga 28 jirka ah uu haatan Dhaliyay 25 gool 16 kalena caawiye ka noqday tartamda oo dhan.

Champions League oo kaliya, weeraryahankii hore ee Leeds United ayaa dhaliyay sagaal gool afarna wuu caawiyay, iyadoo xiddiga Borussia Dortmund Serhou Guirassy uu haatan hogaanka u hayo qiimeynta goolasha isagoo leh 10.

Dhinaca kale Raphinha ayaa dhaafay Halyeeyga Reer Brazil ee Kaka champions league maadama uu ku lug leeyahay 13 gool tartanka champions League.

Raphinha ayaa Isha Ku Haya Rikoodh Uu Dhigay Halyeeyga Barcelona ee Lionel Messi kaas oo ku lug lahaa 14 gool Tartanka Champions League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga