
Paul Merson ayaa magacaabay afarta kooxood ee ugu cadcad hanashada koobka Europa League xilli ciyaareedkan, wuxuuna sheegay in Real Sociedad laga yaabo inay meesha ka saarto Manchester United.
Waxaa caawa oo Khamiis ah si toos ah u furmaya wareegga 16-ka ee tartanka Europa League iyadoo kooxaha Ingiriiska ee United iyo Tottenham ay ciyaari doonaan kulamadooda ugu horreeya.
Halyeeyga Arsenal Merson ayaa dareensan in Spurs ay ku guulaystan karto tartanka kooxaha Yurub xilli ciyaareedkan si ay u soo afjarto 17 sano oo ay sugaysay koob weyn.
Laakiin khabiirka kubada cagta ayaa sidoo kale aaminsan in ay jiraan saddex kooxood oo kale oo ku guulaystan Kara kuwaas oo kala ah Lyon, Athletic Bilbao iyo Lazio.
Ka hor kulanka Sociedad ee United iyo Spurs ay ku wajihi doonaan kooxda reer Holland ee AZ Alkmaar, Merson ayaa u sheegay Sky Sports: ‘Haddii aad eegto Europa League, Tottenham, Lyon, Athletic Bilbao iyo Lazio waa afarta kooxood ee ku guulaysan Kara”.
Merson uma maleynayo in United ay ka mid tahay kooxaha ugu cadcad hanashada koobka Europa League, waxaana uu dareemayaa in laga yaabo inay guuldarro ka soo gaarto Sociedad kulankooda 16-ka ee ugu dambeeya.
“Ma filayo in ay Man United ku Guulaysan Karto Sababta oo ah si fiican uma ciyaarayaan”ayuu sii raaciyay.
Be the first to comment