
Kylian Mbappe ayaa shaaca ka qaaday cida uu doonayo in Real Madrid ay wajahdo wareega 16-ka champions League Kadib markii ay kooxda Real Madrid u Soo baxday wareega xiga ee tartanka.
Mbappe saddexleydii cajiibka ahayd ee uu dhaliyay ayaa kooxda difaacanaysa Champions League ee Real Madrid Ka caawisay in ay u baxdo wareega xiga ee tartanka.
Qaar ka mid ah taageerayaasha Real Madrid ayaa laga yaabaa inay rajeynayaan inay ka fogaadaan kooxda ay isku magaalada yihiin ee Atletico laakiin Mbappe ayaa doonaya kulanka xiisaha leh.
Atletico ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan, iyadoo soo gashay kaalinta seddexaad ee kala sareynta horyaalka La Liga – hal dhibic oo kaliya ayay ka hooseysaa hogaamiyaasha wadajirka ah ee Real Madrid iyo Barcelona – waxayna si toos ah ugu soo baxeen wareega 16ka Champions League.
Ka dib markii lagu abaalmariyay abaal-marintiisa ciyaartoyga ciyaarta, Mbappe ayaa yidhi: “Mar walba waxaan odhan jiray halkan uma iman si fudud si aan u dhamaystiro riyo. Waxaan rabaa inaan si fiican u ciyaaro, waxaan rabaa inaan calaamadeeyo xilli”.
Isaga oo ka hadalaya kooxda uu doonayo in uu ku aado ayuu yidhi”dabcan waxa aan doonayaan in aan ku aadno Atletico Madrid”.
“Bayer Leverkusen mise Atleti? Labaduba way adag yihiin, laakiin anigu waxaan door bidayaa Atleti, markaa waanu badbaadinay nafteena safar”.
Be the first to comment