DEG-DEG: Ac Milan Oo Dhamaystirtay Saxiixa Joao Félix.

Kooxda Ac Milan ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga João Félix kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Chelsea.

Ac Milan ayaa xiddiga João Félix ka dhigtay saxiixyadeeda cusub ee suuqa January si ay ugu xoojiso kooxda suuqa January.

Kooxda Ac Milan ayaa João Félix kula wareegtay qaab amah ah inta ka dhiman xilli ciyaareedka.

Ac Milan ayaa bixin doonta dhamaan mushaharka xiddiga João Félix halka ay sidoo kale bixisay lacag dhan 5 milyan oo Amaah ah.

Xiddiga João Félix ayaa haatan isku diyaarinaya in uu tijaabada caafimaadka  maro kooxda Ac Milan si uu u dhamaystiro heshiiska.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga